Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Xildhibaano Diyaarinaya Mooshin ka Dhan ah Nuur Cade
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:317
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:144
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:455
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 08 2008
Xildhibaano Diyaarinaya Mooshin ka Dhan ah Nuur Cade
Written by Ali Moallim   
Thursday, 08 May 2008

Baydhabo,(insidesomalia.org)- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxay diyaarinayaan Mooshin ka dhan ah Xukuumadda dhowrka Bilood jirta ee uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Xildhibaanadan ayaa waxay ku eedeynayaan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in aysan wax badan ka qaban waxyaabihii ay ballanqaaday markii la soo dhisay oo ay ka mid ahaayeen in ay ka shaqeyneyso sugidda ammaanka Dalka iyo weliba dib u heshiisiin, iyagoo Ra’iisal Wasaarahana si gaar ah ugu eedeynaya in uusan si wanaagsan uga jawaabin su’aalo ay dhawaan ku weydiiyeen Baarlamaanka hortiisa.

Xildhibaannada Mooshinka wada ayaa waxaa ka mid ah Dr. Khaalid Cumar Cali, Dr. Cali C/llaahi Cosoble, Madoobe Nuunow Maxamed, Maxamed Yuusuf Weyrax, Aamina Maxamed Mursal iyo xubno kale, waxayna ku doodayaan in ay baarlamaanka hor-geynayaan, isla markaana ay ka takhalusi doonaan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Mooshinka ay Xildhibaanadan diyaarinayaan ayaan weli loo gudbin Guddoonka Baarlamaanka, waxaana weli socda is-uruursi ay wadaan Xildhibaannada ka soo horjeeda Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo kala bar Xubnaheeda ay ka yimaadeen Dibadda Baarlamaanka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa inta badan waqtigiisa wuxuu ku qaatay Magaalada Baydhabo, iyadoo mudadaasna uu aad ugu mashquulay dhisidda iyo duminta Xukuumado dhowr ah oo uu soo dhisay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi, iyadoo haatanna Mooshin laga diyaarinayo Xukuumadda jirta.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde uu Baarlamaanka hortegay, isla markaana uu ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen Mudanayaasha Baarlamaanka, kuwaasi oo ku saabsanaa Ammaanka, dib u heshiisiinta, sida loo maamulo dhaqaalaha soo gala Dowladda, sicir bararka iyo weliba dhoofinta Kheyraadka Dalka ka soo go’a.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >